SIDA UU WAQTIGU YAHAY WAAYUHU HAKU BARO… Maaweelo kooban

0
Sunday December 07, 2014 - 12:53:48 in Local News by Chief Editor
  • Visits: 4533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    SIDA UU WAQTIGU YAHAY WAAYUHU HAKU BARO… Maaweelo kooban

    Qalinka: Abukar Albadri. Labo dhalinyaro ah oo bartamihii sagaashamaadkii dhashay ayaa sheekeysanaayay, midba midka kale inta uu hadalka kaxa xariifsan yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinka: Abukar Albadri. Labo dhalinyaro ah oo bartamihii sagaashamaadkii dhashay ayaa sheekeysanaayay, midba midka kale inta uu hadalka kaxa xariifsan yahay ayuuna adeegsanaayey waxa uu awoodo.

Labadaba waa taageerayaasha Ciyaartoyda Yurube mid waxaa lagu naaneysaa Axmedinho, midka kalena Dairovic. Hase yeeshee labaduba waa Soomaali dhalad ah, dadka aan dhanna uga bixin, hase yeeshee ay aaladaha casriga ah ee dunidu isku gaarto ayay la dhasheen oo ay la jaanqaadeen.

AXMEDINHO: Saaxiib wejigaaga dhan out of focus waaye, adiga dhan Jam jam ayaa kaa muuqdo.

DAHIROVIC: Update ma ihi noo, manta dhan Nimbuzz iima furmin, WhatsApp telkeyga wuu ka baxay, The Virus Facebook wax post ah maku soo share-gareyn, aniga dhan ma jiri camal.

AXMEDINHO: Adiga caadi ayaa la iska dhigaa, anigana manta dhan biyaha way iga dhoobeysnaayeen, kaliya dhawr mar ayaan wall-ka refresh dhahay si aysan friends ii dareemin in aan down ahay. Hadda adigana just refresh click ku dheh, profile picture-ka update dheh kaddibna google search ayaan soo sameyneynaa haddii la soo waayo waan iska soo laabaneynaa.

DAHIROVIC: Saaxiib aniga meeshii like waan ka daalay, post, update, Share waan dhahay, wax walba waan sameeyay, mar xitaa comment private ah kama helin, data-da ku keysan ayaa mar walba ka badan tan aan ku shuabayo, server ka weyn ma ahan, Amazon iyo Wikipedia kama qaad yara, haddana waa twitter post kasta waa public, private waan ka dhigi waayey, read only marka aan ka dhigo xitaa outomatic publish ayuu isku sameynaayaa.

AXMEDINHO: Waa Top, haddiiba ay Amazon tahay, account free ah ayaa laga dhex sameystaa taas oo kale, twitter-kaa daran, haddii aadan waxba ka qaban karin options-kaaga badi, kaddibna inta account kale u guurto kan post kaliya ugu dadaal. Koleyba retweet waa lagaa dhahaa anigaaba oge adiga uun Android update ah ahaaw. Haddii kale screen-kaaga wuxu isku yaaci doonaa. Marka aad account-ka cusub sameysato, kan Facebook-gaagii hore share uga dhig, notifications-keeda tirade badan yeysan dadka kugu dirin, campaign block ah yaan lagugu qaadin.

DAHIROVIC: Hadda horta waa xildhibaan, waa xubin Baarlamaan, 6 sano oo work experience ayaa la wataa, without written contract, waxaa la ii sheegay in xilligii ay Man United aheyd ay dhawr mar own goal iska dhalisay iyadoo uusan macalinka kooxda ka warheyn, kaddibna self-relegation ayey gashay, dhibka heysta waa in coach-keeda uusan ogeyn in User-ka mar hore la hack-gareeyey, Kooxaha waaweyn sida Barca, Munich iyo Real Madrid inuu ka iibiyo ayuu rabaa.

AXMEDINHO: traffic jam forever ah ayaan uga yaabay, network busy kama dhamaado.

DAHIROVIC: Adiga Pal talker markii aad aheyd ayaad fiicneyd, ma hal Hard Disk oo used ah ayaad format ku sameynweysay, scan ayaaba ku filan ayaan is leeyahaye.

AXMEDINHO: Format sideen ugu sameeyan setting dhan ma leh, DVD ma leh, Lap Link cable ma leh, just desktop ayey joogtaa, status ayaa furan, post lee la dhihi karaa, update xitaa ma leh, post kasto delete ayuu automatic u noqonaayaa.

DAHIROVIC: Maxaa Robot miyaa!!? Walba Remote control maku shaqeynaayaa?

AXMEDINHO: Maya!

DAHIROVIC: User-ka iyo Password-ka ii sheeg anaa isku dayaayo in aan Format u diree.

AXMEDINHO: User kaliya oo aan password laheyn waaye, setting dhan ma leh side password loogu sameeyaa.

DAHIROVIC: Computer aan la yaabay waaye, koronto la’aan ayuu desktop-ka on yahay, Network la’aan ayuu Online yahay, haddana waa Jam.

AXMEDINHO: Xubno Baarlamaan oo Robod ah oo haddana inflight communication sameynaayo way I wareeriyeen, markaan aniga in aan nolosheyda dhan herbal ka dhigo waaye, xitaa telkeyga herbal ayaan ka dhigaayaa.

DAHIROVIC: Smart phone-keyga ayaa dhammaan tilmaamaha aad sheegeyso leh, kaligiis ayaa is daara oo is dira, Premier League ayuu aad ula socdaa, Livescore.com ayaa online iska ah mar walba.

AXMEDINHO: Software-yo aan la fahmi karin oo badan ayaa magaalada ku soo batay, Malaya waa Arab Technology oo Sacuudiga soo saaray, mise waa made in Eastliegh?.

DAHIROVIC: Dhibaatada Software ma ahan, software Norton ayaan ka adeejin jiraye waa Apps-ka waxa qaldan, mana la sixi karo, Made in Saudi Arabia iyo Made in Eastleigh labadaba waa ku badan yihiin magaalada.

AXMEDINHO: Kulli memory-gooda waa China, mar waa jam, mar waa isku yaaceysaa, marka ay caadi yihiinna waa marka ay baarlamaanka fadhiyaan oo kaliya.

DAHIROVIC: Kullina waa screen touch, ma ogi kaaga waa old ee inuu keyboard leeyahay?

AXMEDOVIC: Kaagan cusub Keyboard-kiisa ka waran?

DAHIROVIC: Lambaraddii dhan inta tirtirmeen ayey qoloftii ka dhici rabtaa!

AXMEDOVIC: Giz nacallaa kugu ooli weysaye, sidaas dhan ha dhihin, waad aragtay in aad u hurdo seegtee.

DAHIROVIC: Ha i weydiin hee! Haddii kale in system-ka gudaha dhan dirty ka yahay, screen-kana clean ka yahay ayaan kuu sheegayaa.

Iyadoo ay sheekadooda meesha mareysa ayaa waxaa soo dhex galay BASHIIRISMO oo ah wiil dhalinyaro ah, saaxiibkooda ah, oo gobal ka yimid, Magaalada Jaamacad ka dhigta, in kastoo uu magiciisa u dhigay si ilbaxnimo doon ah haddana sida kuwan weli uma qaadan Diinta Technology-yadda.

Wuxuu dareemayey in ay dumar xamanaayaan, balse meelna wuu ka fahmi waayey sheekadooda, markaas ayuu waydiiyey maxaad iskula hadleyseen.

Af Soomaali ayaa loogu jawaabay. Wuxuu kaluu weydiiyey oo Af Soomaaliga aanan aqoon muxuu yahay? Waxay ugu jawaabeen aqoonistu waa mid adiga Private kuu ah, anaga Concern-keena ma ahan.

Ugu dambeyntii wuxuu ku yiri, ereyada English-ka ah ee aad adeegsateen oo dhami waan u aqaan Luuqad ahaan, balse si iga maajisay ayaad u adeegsateen ha la I fahamsiiyo. Kaddib ayaa loo sheegay in dhammaan sheekada ay hal gabar uun ku saabsaneyd, wayna ka daadegi waysay.

BASHIIRISIMO oo saaxiibadiis la yaaban ayaa isagoo sacabadiisa yaab dartiis isu marinaaya yiri: waayahan Xamar wax badan buu I baray, ee dadow sida uu waqtigu yahay adna waayuhu haku baro.

FG. Ujeedku waa in aan fahamno halista uu afkeena hooyo ku jiro, ee sidaas ha loo wada fahmo. Wixii dhaliil ah ku soo dir: Abukar.albadri@gmail.com