DARBO INTA UUSAN DARKA KAA BUUXSAMIN: - Qormo waano kuugu filan!

0
Saturday May 23, 2015 - 20:47:51 in Local News by Chief Editor
  • Visits: 6815
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    DARBO INTA UUSAN DARKA KAA BUUXSAMIN: - Qormo waano kuugu filan!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QALINKA: Abuukar Albadri, Abukar.albadri@gmail.com
Hallstavik, Sweden (23/05/2015)- Marka hore Assalaamu Caleykum wa Raxmatullaahi wa Barakaatuhu? Salaan kaddib!
Qofka aan la hadlayaa waa adiga. Adigan hadda qoraalkan aqrinaya qudhaada ayay kugu socotaa qormadeydan,waana kuu muhiim in aad si taxadar leh oo degganaani ku jirto u aqrisid.
Ogow tani ma ahan maaweelo. Balse waa xaqiiqo ha hadlaysa safar lama huraan u ah noloshaada. Sida uu lama huraanka adiga kuugu yahay ayuu aniga qudheyda iigu yahay ma huraan, balse iima cadda in aan noqon doonno isku duullimaad.
In kastoo safarka aad ku qasban tahay haddana waxaad ku baxeysaa casuumaad laguu soo diray oo muddeysan. Casuumaaddu waxay leedahay waqti go’aan oo aadan waxba ka bedeli karin kana cudur daaran karin. Waa qasab in aad dhoofto marka la gaaro balanta ku qoran warqadda casuumaadda. In aad diyaar garowday iyo in aadan diyaar aheyn macne ma sameyneyso, diyaaraddu way ku qaadeysaa xaalad kasta adiga oo ku sugan.
Daqiiqad walba saacaddu waxay ku sii siqeysaa waqtigii aad safri laheyd, haddana adigu marnaba ma ogid goorta aad bixi doontid. Dhowaa iyo dheeraana kuuma kala cadda goorta aad dhaqaaqeyso, hase yeeshee mar walba safarku waa kedis, wuuna murugo iyo xanuun badan yahay, dhabtiina waa lagugu dul ooyi doonaa haddii aad nasiibkaas yeelato.
Inta badan adiga oo aan macsalaameyn dadka kuwii aad ugu jecleyd, adiga oo aan isku duwan hawlihii kaa dayacnaa, adiga oo aan ebya tirin qorshayaashii aad bilowday, adiga oo aan la ballamin asxaabtaada iyo inta ay hawli kaala dhexeysay, adiga oo aan deymaha iska bixin, adiga oo aad u kala daadsan oo aan safar diyaar u aheyd ayaad arkeysaa adiga oo taagan irridka diyaaraddii aad raaci laheyd. Irridkaasi gelid mooyee ka noqod ma leh, albaab dhinaca dambe ku yaalla oo laga sii baxo ma leh, cid diyaaradda ka soo degeyso oo aad farriin u sii dhiibtidna ma leh. Waxaa muhiim ah in aad ogaato arrimahan.
1. Casuumaadda aad ku safari doontid waxaa kuu soo diray ALLAAH.
2. Cinwaanka casuumaaddu waa AJAL, ku bixid mooyee ka baaqasho ma leh.
3. Galka ay casuumaddaasi ku jirto waa SAKARAAD.
4. Farriin sidaha casuumaaddaasi ku soo gaarsiin doon waa MALAKUL MAWD.
5. Tikidka aad ku safari doontid waa GEERI.
6. Diyaaradda aad raaci doontid waa HANDOOL.
7. Dalka aad ka dhoofeyso waxaa la yiraahdaa ADDUUN.
8. Dal weynaha aad u kicitameyso waa AAKHIRO.
9. Halka aad gashiinka (Transit) ku noqon doontidna waa BARSAQ.
10. Garoonka ay diyaaraddaada caga dhigan doonto waa QABRI.
Garroonka ay caga dhiganeyso diyaaradda ku sidday waxaa jooga saraakiil Laanta Socdaalka (Immigration officers) ee qabriga qaabilsan, kuwaas oo hubinaya in Baasaboorka iyo Dal-ku-galka (Visaha) aad ku safreyso in ay saxan yihiin iyo in kale.
Garoonka ay diyaaraddaadu ku degeyso waa mid adiga kuu gaar ah, balse saraakiisha joogta ee labada ah ayaa qaabilaaya qof walba ee soo raaca duullimaadyada isaga gooshaya Dalalka Adduun iyo Aakhiro. Waase in aad maanka ku heysaa qodobadan.
1. Saraakiisha Laanta Socdaalka joogta waa MALAA’IIG.
2. Tiradoodu waa labo kaliya.
3. Magacyadooda waxaa la kala yiraahdaa MUNKAR iyo NAKIIR.
4. Waxay ku waydiin doonaan seddax su’aal oo muhiim ah.
Saraakiishan waxay ku weydiin doonaan seddax su’aal oo haddii aad ka jawaabto aad garoonka uga gudbeyso si sahlan, haddii aad jawaabaha ku dhacdana waxaa lagugu xiri doonaa qeybta lagu xiro soo galootiga sharci darrada ah iyo dembiilayaasha.
Su’aalaha aad wajihi doonto waxay kala yihiin:
1. Dalka aad ka timid yaa boqor ka ahaa? ama adiga yaa boqor kuu ah?
2. Imaamkaaga waa kuma?
3. Baasaboor noocee ah ayaad ku safreysaa?
Illaa aad su’aalahaas ka jawaabto lama eegi doono baasaboorkaaga iyo dal-ku-galkaagu in ay yihiin kuwo saxan iyo in kale. Jawaabaha saxda ah ee aad ku gudbi karto ayaa ah sidan:
1. Boqorkeygu waa ALLAAH.
2. Imaamkaygu waa Nabi Muxamad.
3. Baasaboorkeygu waa DIINTA ISLAAMKA.
Marka aad jawaabahan ku guuleysato ayay MUNKAR iyo NAKIIR eegayaan in BAASABOOR, DAL-KU-GAL (Visa) iyo BOOS-CESHI (reservation) Qolka aad ka degi doontid Hoteelka kaliya ee ku yaalla halka aad u safartay (JANNAH).
Haddaba, iska jir oo ha isku qaldoomin. Saraakiishan MUNKAR iyo NAKIIR waxay aqbalaan hal baasaboor kaliya, dal-ku-gal hal nooc ah, balse boos-ceshigu (reservation-ka) waa lagu kala duwanaan karaa, dhaqaalahana sidoo kale.
Marka aad hor timaaddo Saraakiisha Laanta Socdaalka ee Qabriga, waxaa lagaa doonayaa in aad heysato socdaal-kaabeyaashan.
1. Baasaboorka kaliya ee ay aqbalaan waa DIINTA ISLAAMKA.
2. DAL-KU-GALKA (Visa) kaliya ee ay aqbalaan waa IIMAAN (Rumeynta ALLAAH iyo RASUULKIISA).
3. BOOS-CESHIGA kaliya ee ay kaa aqbali doonaan waa CIBAADO.
Haddii aad ku guuldareysato in aad soo bandhigto warqadahaas socdaalka kuu fududeynaya ee Baasaboorka (ISLAAM), Dal-ku-galka (IIMAAN), BOOS-CESHI (CIBAADO) ee ay ku weydiiyaan MUNKAR iyo NAKIIR waxaa hubanti ah in aysan weji furan kugu soo dhoweyn doonin.
Dhammaan dadka ka gudbaya Xadduudda Adduunyo ee u gudbaya tan Aakhiro waxaa ay u qeybsamaan seddax kooxood oo kaliya, adigana seddaxdaas uun baad mid ka tahay, waxayna kala yihiin.
1. AHLUL JANNAH: Muslim, Mu’min ah, cibaado la yimid, camal suubban hor marsaday.
2. SOO GALOOTI SHARCI DARRO AH: Muslim, Saaqiday, cibaadada dayacay, camalkiisa aan suubbaneyn.
3. AHLU NAAR: Qof aan markiisa horeba Muslim aheyn ama caabuday wax aan ALLAAH aheyn.
Muddada gashiinka (Transit-ka) aad ku tahay (XAYAATUL-BARZAQ) wehelka kaliya ee aad heysato waa camalkaaga. Haddii uu suubanaa camalkaaga wuxuu kuu noqon doonaa mid ku wehliya, haddiise uu yahay mid aan suubaneyn waxaa laga yaabaa inuu ku dhibo.
Inta ay goori goor tahay waxaad heysataa fursad aad ku xaqiijin karto himilo dhab ah oo aad ku badbaado marka uu safarkaas deg deg kuu soo galo.
In kastoo haddii Culimada Diinta aad waydiiso safarka noocaan ah ay in ay kuu suureeyaan ay durba kuugu jawaabi lahaayeen waa safar dheer oo sulmiga iyo harraadka badan, isla markaasna ku sifeyn lahaayeen in suudiga cadceedda aakhiro ay mar walba ka sulmi iyo harraad badan silic kasta oo adduunkan yaallo, haddana haddii aad dadaasho Ilaah wuu kugu garabsiinayaa in aad sahal ku dhaafto adiga oo aan marnaba raran gubyoon.
In kastoo safarkani aad deg deg u yahay, haddana dheer yahay, mar walba wuu ka dhaw yahay safarka uu qof tahriibay ku maro saxaraha cadaabta ah ee u dhexeeya Liibiya iyo Suudaan. Marka uu qofka ku safrayo saxarahan wuxuu halis u galaa in ay dilaan masas micidu u wada soofeysan tahay, abrisyo ciida hoosteeda ka sunsuma oo aysan ishu qaban iyo caarooyinka waxweerara. Taas waxaa dheer qowleysatada jidka dadka ku afduubta ee ay Soomaalidu u bixisay Ma-Gafayaasha, kuwaas oo dadka dila, gabdhaha kufsada, kaddibna madaxfurasho waydiista.
Haddii ay (Dukumiintiyadaada) oo dhami ay kuu saxan yihiin diyaaradda uu Malakul Mowku ka yahay duuliyaha waxaad ka raaci doontaa kuraasta Maal-Qabeenka (Business Class), haddiise diyaar garowgaagu qaldoomo in aad boos ka hesho kuraasta Danyarta (Economic Class) ayaa adkaaneysa.
Aniga ma ogi da’da aad jirto, balse waxaa laga yaabaa inuu sheydaanku kugu yiraahdo mar walba wali waad yar tahaye dib u dhigo is diyaarinta, marka aad weynaato ayaad diyaar garoobi (Cibaadeysan) doontaaye. Waa hubaal sidaasi sheydaanku wuu kugu yiraahdaa naftuna way u riyaaqdaa, qof walba ayuu ku yiraahdaa, aniga ayuu igu yiraahdaa maalin walba. Ha is qaldin, da’daada iyo qorshayaashaaduba saameyn kuma lahan safarkaas goorta uu noqonayo, da’ kastaba jire wuxuu kugu noqon doonaa mid deg deg.
Aan kaa qanciyo dooddan. Bal ila eeg tuducdan ka mid ah xigmado uu dunidan kaga tagay gabyaagii caanka ahaa ee Qamaan Bulxan ALLAAH ha u naxariistee.
Qamaan wuxuu yiri:
Waxaad aadamoow maagan tahay, adiyo maankaagu
Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid weeyaane
Waxaad adigu miihaalatiyo, malaba waa beene
Waxaad mooday mowd baa sokada, kaaga soo mariye


Qamaan wuxuu cabbiray sida ay dadku wax u qorsheystaan, qorshayaashoo dhamina aysan marna mowdka ugu soo darsan iyo sida markii ay tii Rabbi SW u timaaddo uu qofku isaga dhinto isaga/iyada oo ay qorshayaashii ka kala daadsan yihiin. Tix kale ayuu Qammaan ku yiri.

Hadii aad inaad taajir tahay, tuhunto uurkaaga
Toodowga xoolaha ninbaa, tulud ku sii dheere
Walee inna raggow talo adduun, taada uun ma aha

Abwaan Sallaan Carrabey oo isagana ka mid ahaa abwaanada suugaanta raadadka muhiimka ah leh ku reebay taariikhda Soomaaliya ayaa wuxuu yiri:
Caddad maleh rijaal ladan intay, calal ku duubeene
Oo ay meel cabbaar loo qodqoday, kaga carraabeene
Oon camalka mooyee qabriga, cid uga yeedhayne

Mar haddii ay xaaladdu sidaas tahay maxaa kula gudboon in aad sameyso inta aad fursadda heysato si aad ugu diyaar garowdo safarkaas lama huraanka ah?
 
Waxaa kula gudboon in aad diyaarsato dhawrkan shey sahay ahaan:

1. Sahaydii aad waddada ku mari laheyd.
2. Dhaqaalihii aad meel ku degi laheyd.
3. Wixii aad ku noolaan laheyd marka aad degto janadda.

Si aad wax meel u dhigato waa in aad BAKAAR (Account) ka furato BANGIGA ILAAHEY ee ku yaalla halka aad u sii socoto. Ha keydka lacag aan aakhiro ka socon doonin. Lacagta kaliya ee aakhiro laga isticmaalayo ama kaaga soconeysa waa TAQWA.

Haddii aad og tahay in durba xisaabta lagugu leeyahay ay ka badan tahay midda aad baraaktaada ku keydsatay, wali fursad ayaad u heysataa aad ku bixiso xisaabaadka ku qoran Qaansheegatada (Invoice ama Faktur) ee lagaa rabo, waa la ogol yahay in aad iska yar yareyso oo aad maalin walba waajibaadka lagaa rabo sii raaciso SANUUD yar oo dhawr boqol oo ISTAGFAAR iyo TASBIIX isugu jira.

Inta aanan gunaanadin qormadan yar ee aan adiga kuu hibeeyey, waxaan doonayaa in aan kula wadaago xikmad kooban oo ku jirta Suugaan aan ka soo xiganayo Maxamed Cabdi (Aamaguul), taas oo ina tuseysa jidka ay tahay in aan marno haddii aan dooneyno in aanan aakhiro ku noqo soo galooti la geeyo xabsi ama xero qaxooti. Tixdu waxay leedahay sida tan.
 
Jamacuu qur'aan iyo, markaan jacala soo eegay
saddex buu ku soo jaray jaliil, jiinka hadalkiisa
jidka hore islaamka un ku jog, hana ka jeesjeesan
jareedadii adduun, aakhirana reer jannaad noqone
jid labaadku waa jiimka diid, gaalnimana jiido
nolol jaban adduun, aakhirana guri jaxiimaade!

Ugu dambeyntii, haddii aan kaa nixiyey iga raalli noqo, ujeedkeygu wuxuu ahaa baraarujin, haddiise aad qormadan u aragtay in ay muhiim tahay waxaan kaa codsanayaa in aad la wadaagto asxaabtaada ama dadweynaha intii aad ka gaarto.
Wixii talo, tusaale iyo dhaliil ah iigu soo hagaaji Abukar.albadri@gmail.com