Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Boqor salmaan Bin Cabdulcasiis (Sawirro)

0
Wednesday September 27, 2017 - 17:52:32 in In Pictures by Sub Editor - Ayub Ismail
  • Visits: 4349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Boqor salmaan Bin Cabdulcasiis (Sawirro)

    Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Boqor salmaan Bin Cabdulcasiis (Sawirro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Boqor salmaan Bin Cabdulcasiis (Sawirro)

September 27 (Jowhar)— Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Jeddah kula kulmay Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis, iyadoo wafdiga Madaxweynaha qado sharaf loogu sameeyay Qasriga uu Boqorka degan yahay.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, waxaana kulankan uu ahaa mid jawi isfaham ku soo dhamaaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Amb. Daahir Geelle.

Ma jirto wax faah faahin ah oo laga bixiyay kulankan, marka laga reebo qoraal kooban oo kulanka ku saabsan iyo sawirada labada Mas’uul oo lagu faafiyay baraha bulshada ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Wakaalada Wararka ee Sacuudiga ayaa soo warisay in kulanka Boqorka iyo Madaxweyne Farmaajo looga hadlay iskaashiga, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

Lama oga waxyaabaha uu ka bedeli doono kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan go’aankii horay u qaadatay dowladda Federaalka.