INAN HABOW AH- SHEEKO GAABAN! - Qalinka: Abukar Albadri, June 04, 2013

0
Friday November 27, 2015 - 10:37:25 in Somalia by Chief Editor
  • Visits: 11270
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    INAN HABOW AH- SHEEKO GAABAN! - Qalinka: Abukar Albadri, June 04, 2013

    Najma waa 15, waa ardayad xaafada ay ku dhalatay, kuna soo kortay ayey weli degan yihiin reerkeeda, ma socod badna oo weligeed meel gaari loo raaco looma dirin, iskuulka ay dhigato aad ugama foga gurigooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Najma waa 15, waa ardayad xaafada ay ku dhalatay, kuna soo kortay ayey weli degan yihiin reerkeeda, ma socod badna oo weligeed meel gaari loo raaco looma dirin, iskuulka ay dhigato aad ugama foga gurigooda.

Waa gabar yar oo qurux badan, aadna u suurooneysa. Wejigeeda degenaan badan ayaa laga dareemaa, dhanka caqligana aad ayey ugaga miisaan sarreysaa dhalinta asaageeda ah rag iyo dumarba.

 

Waa gabar reerkeeda curad u ah gabar ahaan, laakiin aabaheed wuxuu dhalay caruur ka waaweyn oo rag ah kulligooda, ha yeeshee maadaama inta ka waaweyn oo dhami ay wiilal yihiin ayuu dadka ku yiraahdaa waa curadeyda.

 

Inuu aabaheed ugu yeero in ay tahay curaddiisa aad ayey uga heshaa, waa oraah ay aad u jeceshahay maqalkeeda, waxaa ayna isku daydaa in ay hawl isku mashquuliso marka uu aabaheed amaanayo. Waa qof deggan, dhoolacadeyn badan oo aan jecleyn dhibka inta uu doonaba hala ekaadee.

 

Najma waxaa ay ka mid tahay dhalinta xiiseysay ciyaaraha kubadda cagta, gaar ahaanna horyaalada Yurub, haba ugu badnaadaan kuwa Ingiriiska iyo Isbeyn. In ay ciyaaraha xiiseyso waxaa sabab u ah dhalinyarada la dhalatay oo kulligood ah CIYAAL-BANOONI, waxaa la dhihi karaa guriga ayaaba ciyaaraha hidde u leh oo aabaheedba waxaa uu ahaa ciyaartoy hore oo qaranka Soomaaliyeed u soo dheeli jiray beri samaadkii. Aabaheed waxaa uu xiiseeyaa kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska iyo Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga, waxaa uu jecel yahay in uu wiilashiisa la xifaaltamo oo ay isku kulleystaan kala badinta kooxaha ay kala taageeraan.

 

Najma iyadu waxaa ay aad u taageertaa kooxda Barcelona, waxaana iskuulkeeda ay caan kaga tahay taageerada ay u heyso kooxdaas Barcelona, iyadoo si gaar ahna u xiiseysa ciyaartoydga Lionel Messi. Waa gabadha kaliya ee fasalkeeda ka mid ah ee taageerta kooxda Barca, dhammaan gabdhaha kale ee fasalkeeda waxaa ay kala taageeraan kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Arsenal. Iyaduse waxaa lagu naaneysaa Mss Barca oo ah naaneys ay u bixiyeen dhalinta ku jiilka ah.

 

Mararka qaar waxaa ay soo xirataa masarka ay gabdhaha xirtaan oo leh astaanta kooxda Barcelona iyo Funaanada Ciyaartoyga Lionel Messi. Xifaaltanka iyo kaftanka ciyaaraha la xiriira lama wadaagto wiilasha aan ka aheyn kuwa la dhashay, laakiin gabdhaha sideeda oo kale ciyaaraha xiiseeya ayey aad isula xifaaltamaan, gaar ahaanna kuwa taageera kooxaha Man United ee Horyaalka Ingiriiska iyo kooxda Real Madrid ee Isbeyn.

 

Najma waxaa ay leedahay naanesy ay hooyadeed ula baxday oo ah Rayaan, waxaa ayna hooyadeed ku masaashay albaabka janada ee rayaan, taas oo ay kaga kasbatay deganaanteeda, qalbi furnaanteeda iyo weliba quruxda iyo qaab-samaanta ilaah u abuuray oo aysan jirin gabar heemaalkeeda leh ka soo kacda xaafaddooda iyo meelaha ku dhaw dhaw.

 

Bulshada xaafadda iyo iskuulka oo dhan ayaa jecel Najma, qof walbana inuu la kaftamo ayuu jecleystaa, laakiin iyadaba raga lama hadasho marka laga reebo kuwa ay u arkeyso in ay ka yar yar yihiin oo caruurta ah iyo walaalaheed.

 

Odayaasha xaafadda ee ay garaneyso aad ayey u xushmeysaa oo waa ay salaantaa laakiin dhalinyarada hana qaadka ah hadal iyo huruuf midna lama wadaagto.

 

Najma aad ayey baarri ugu tahay waalidkeed, walaalaheedna way jecel yihiin oo markii ay wiilasha aabahood wax ay ka doonayaan ka waayaan ama uu ku gacanseyro Najmo ayey u diraan si ay aabaha ugala hadasho, markaas ayuu odeygu ogolaadaa oo waxaa uu yiraahdaa "Wixii Najma ay iga soo doonto waan ogolahay mar walba”

 

Tixgelinta intaas la eg waxaa ay ku kasbatay baarrinimadeeda iyo dadaalkeeda badan ee dhanka waxbarashada iyo asluub wanaageeda iyo sida wanaagsan ee ay hooyadeed u caawiso.

 

Xaafadda ay ku dhalatay ee agagaarka Macruuf Buulo Xuubey weligeed kama aysan tagin, waxaa laga yaabaa in iyadoo yar ay hooyadeed dhawr mar dhaqtar geysay, laakiin ma tagin meel aan ka aheyn iskuulka, suuqa iyo meelaha la halmaala ee xaafadda ka mid ah.

 

Aabaheed waxaa la dhashay walaalo badan, balse waxaa ay intooda badan ku nool yihiin qurbaha. Iyaduna weligeed ma arkin adeeradeed iyo eedayaasheed marka laga reerbo mid ka mid ah adeeradeed oo isagaba qurbaha ka soo laabtay oo Muqdisho soo degay bartamihii 2000.

 

Eeddooyinkeeda waxaa ay kala degan yihiin Ingiriiska, Mareykanka iyo Dalka Boqortooyada Sucuudiga, sawiradooda ayey aragtay iyaguna sawirkeeda waa ay arkeen laakiin si toos ah isuma aysan arkin weligood.

 

Eedayaasha iyo adeeraduba waa dad aad u wanaagsan oo Najma aabaheed iyo caruurtaba aad ayey uga warqabaan, waa ay soo xiriiriyaan balse imaatinkooda Muqdisho ayaa yeraa sababo ammaan awgood.

 

Ayeydeed aabaheed dhashay waxaa ay degan tahay Xaafadda Xamar Bile ee Degmada Warta Nabada, halkaas oo mararka qaar ay ka soo tagto si ay u aragto ilmaha uu wiilkeeda uu dhalay ilmaha uu wiilkeed dhalay Najma ayey u jeceshahay, waxaa ayna ugu heestaa.

 

Meel lagu nastoo,

Naruuriyo udgoonba leh,

Naxariisna loo degay,

Najmaay ku noolow,

 

Xilli uu soo dhowaa imtixaankii sanad dugsiyeedka iskuullada Muqdisho ayaa waxaa taleefoon ku sheekeystay Najmo iyo eedadeed oo qurbaha deggan, waxaa ayna eedada Najmo u sheegtay in ay Muqdisho u soo socoto, waxaa ayna ka balan qaaday in ay haddiyad qaali ah u keeni doonto haddii ay kaalin wanaagsan ka gasho imtixaanka iskuulka.

 

Eedada waxaa ay ka imaaneysaa dalka Boqortooyada Ingiriiska, iyada iyo Najma horey isuma aysan arkin, laakiin Najma sawiradeed ayaa eedada loo diray oo ay aragtay.

 

Eedada Najma quruxdeeda iyo ammaanta mar walba ka soo gaarta ayaa aad u cajabisay, aadaabteeda iyo wanaageeda tirada badan ayaa looga sheekeeyey, sidaas darteedna waxaa ay niyeysatay in Najma ay ku darsato wiilasheeda mid ka mid ah.

Najma uma aysan sheegin in ay wiilkeeda la dooneyso, balse qorshayaasha ay Muqdisho u imaaneyso ayey ka mid tahay, eedadu waxaa ay arrinta Najma iyo wanaageeda uga sheekeysaa wiilkeeda curadka ah ee Saalim, kaas oo sanadkii labaad ee jaamacadda ku jira magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

 

Najma in kastoo aysanba ka warheyn damaca eedadeed haddana magaalada uu Saalim ku dhigto Jaamacadda ee Manchester ayey neceb tahay, macaga magaalada waxaa ay u nacday naceyb ay u heysto kooxda Manchester United darteed.

Waxaa magacaasi nacsiiyey gabdho ay isku xifaaliyaan ciyaaraha oo taageersan kooxda Manchester United, kuwaas oo inta badan caaya kooxdeeda Barcelona.

 

Najmo waxaa ay laba laabtay dadaalkeedii waxbarashada, iyadoo dooneysa in ay haddiyad qaali ah ka hesho eedadeed. Habeen iyo maalin wax aqris iyo qoraal ayey ku mashquushay, illaa mararka qaar ay gaartay in ay istaaga ka dhacdo daal iyo hurdo la’aan dartood.

 

Kuma aysan qasaarin dadaalkeedii tirade badnaa oo waxaa ay kaalinta koowaad ka gashay Iskuulka oo dhan. Inkastoo dhalinta qaar ka maseyrsaneyd kaalinta wanaagsan ee ay gashay ay ku gunuunaceen in uu macalinka u fuutiyey dhibcaha ay keentay haddana dadaal aan la dhayalsan karin ayey Najmo sameysay.

 

Najma aabaheed aad ayaa uu ugu farxay kaalinta ay gashay, waxaa uuna u soo iibiyey Taleefoon Mobile ah oo ah nooca Samsung Galaxy S3, kaas oo uu kaga farxiyey markii loo sheegay in ay kaalinta koowaad ee iskuulka oo dhan ay iyadu gashay.

 

Walaalaheed ayaa xitaa ka maseyreen in ay muteysato in uu aabaheed u soo iibiyo Taleefoon uu qiimihiisa joogo $500. Iyaduse farxadda iyo reyn reynta darteed meel ay is geyso ayeyba garan waysay, waxaana intaas u sii dheer in ay sugeyso in ay eedadeedna u keento Hadiyad qaali ah sida tan uu aabaheed u keenay oo kale.

 

Maalintii oo dhan mar aabaheed ayey inta u tagto dhabanka ka Dhunkataa, marna hooyadeed ayey dhabta kaga seexataa, walaalaheed ayey sawiro ka qaad qaadaa, marna inta kaligeed gudaha gasho ayey muraayadda isku eegtaa markaas ayey aad isu cajabisaa, iyadii ayaa aad isugu mashquushay oo nafteeda meel ay geyso garan la’.

 

Najma waa inan aad loo jecel yahay, in la jecel yahayna waxaa marqaati ka ah sida loo koolkooliyo, asluub badnaanta iyo quruxda dabiiciga ahna waxaa ay ku lartaa nadaafad badan, xishood badan, suuro u gooni ah iyo dhoollacadeyn joogto ah.

 

Ilaah caqli badan ayuu ku maneystay oo waa qof og in ay quruxdeeda aadka u sarreysa ay u soo jiidi karto il iyo illaaco. Waxaa ay gareysan tahay hablaha sideeda oo kale u qurxooni in uu sheydaanka baleyn karo,sidaas darteed Qur’aanka marna afka kama qaaddo, waa xaafidul quraan, ilmaha ka yar yar iyada ayaa habeenki dersiga Quraanka ka dhegeysata, mana ka ogolaato in ay seexdaan illaa ay duruustii maalintaas ay soo qaateen iyada uga baxaan.

 

Canugii ay dareento in uu gefgefaayo waa ay cawisaa, kuma qayliso ilmaha oo waa ay jeceshahay iyaguna waa ay xiiseeyaan duruusta ay ka dhegeysaneyso, waana ku faraxsan yihiin in ay walaashood caawineyso.

 

Najma hooyadeed habeen walba waa ay u duceysaa marka ay aragto sida ay caruurta uga fikireyso iyo sida ay hawsha guriga uga qabato, waxaa ay ugu duceysaa "Ubad baarri ah ayaad tahaye awlaad baarri ah Allow ku sii oo dadka oo dhan baarri kaaga dhig” aabaheedna sidoo kale ayuu aad ugu duceeyaa mar walba, qof walbana waa ay u duceysaa Najma.

 

Markii ay soo baxday natiijadii imtixaanka ee ay kaalinta 1-aad gashay Najmo, maalmo kaddib waxaa Muqdisho timid eedadeed oo ay ku balansanaayeen in ay hadiyad qaali ah u keeni doonto haddii ay kaalin wanaagsan gasho. Eedada waxaa ay ku soo degtay gurigii ayeydeed ee Xamar Bile, laakiin horey ayey ka xanuusatay oo maysan u soo gudbin guriga walaalkeeda, waa Najmo qoyskeedee, Najmana dhararkii eedadeed ayaa ka tan badiyey oo waa ay sugi weysay.

 

Najma oo maalmo sugeysay hadiyaddii eedadeed u balan qaaday, loona sheegay in Loo keenay Laptop MacBook ah ayaa waxaa ay aabaheed ka codsatay in uu u ogolaado in ay aado guriga ayeydeed si ay eedadeed ula soo kulanto hadiyaddana uga soo qaadato.

 

Najma aabaheed waa uu ka ogolaaday, waxaa uuna siiyey lacag 100 Kun Shilin Soomaali ah oo uu ugu talo galay in ay ka dhigato gaari raac. Waxaa loo sheegay in Gaariga ay ka raacdo Buulo-Xuubey ay kaga degato Lambar Afar, kaddibna ka raacdo gaari u socda dhanka Cali Kamiin, kaas oo ay kaga degan laheyn Isgoyska Cali kamiin, halkaas oo haddii ay tagto ay si wanaagsan u garan karto meesha uu guriga ayeydeed kaga yaallo Xamar Bile.

 

Najma subixii salaadda subax ka hor ayey kacday, waxaa ay karisay Qaxwe, waxaa ay aabaheed iyo walaalaheed u diyaarisay Qaxwe, Timir iyo Moos, waxaa ay kuraas u dhigtay geedka guriga hoostiisa, kaddibna waxaa ay bilowday in ay quraacda diyaariso.

 

Waxaa ay dooneysaa in ay hawsha oo dhan qabato inta aysan aadin balantii eedadeed, weliba dharar badan ayey u qabtaa in ay aragto hadiyadda ay eedadeed u keentay, hamigeeda aad ayuu u sareeyaa, sababta oo ah aabaheed oo Muqdisho jooga haddii uu ku abaal mariyey teleefoon Samsung Galaxy S3 ah, waxaa ay eedadeed ka fileyso wax ka sii weyn.

 

Markii ay reerkii maamulkooda subaxnimo isku dubariday ayey hooyadeed ka codsatay in ay fasaxdo si ay u baxdo, hooyadiina waxaa ay ugu duceysay "Maandhaay Ilaah ha ku dhawree is diyaari si aad eedo iyo ayeeyo aado, dhankeyga fasax baad ka tahay

 

Waqti badan ka ma aysan qaadan isdiyaarinta, lebiskeeda ugu qurxoonaa ayey iska xiratay welwel la’aan, kaddibna bixiddii ayey isu qabanqaabisay.

 

Najma oo aad ugu niyadsan in ay kaligeed tagi karto gurigii ayeydeed ayaa irridda gurigooda ka soo baxday. Kama aysan fikirin in ay lumi karto, amaba magaaladu waa Xamare ay wax walba ku dhici karaan, kol ay dagaal tahayna mar walba sharta waa loo toog hayaaye.

 

Gabadhan yari xisaabteeda oo dhami waxaa ay isugu geysay in ay gaari raaci doonto marka ay ka degtana ay tagi doonto gurigii ayeydeed, halkaasna ay kula kulmi doonto eedadeed ay arageeda aadka ugu hammiga qabtay.

 

Aabaheed iyo hooyadeed ayey soo macsalaamaysay markii ay guriga ka sii baxeysay, walaalkeed oo kula kaftamay "Abbaayo maanta waad nuureysaaye ma ku raacaa?” waxaa ay ugu jawaabtay "Maya, Balan baan leeyahay aboowe” Dhoola cadeyna way u raacisay, isaguna wuxuu ugu jawaab celiyey "Guul baan kuu rajeeyey”

 

Najma taleefoonkeedii guriga ayey ku hilmaantay mana oga in ay ka tagtay, degdegta ay ku baxeysay iyo xiisaha haya dartood ayey ku hilmaanta isagoo saaran komadiinka korkiisa. Iyaduse in ay wadato ayey ismoodeysaa. Boorsada yar ee ay wadatay waxaa ay ku ridatay lacagtii gaari raaca iyo agab gabdheed kale, kaddibna waxaa ay gaari ka soo raacday Suuqa Buulo-Xuubey kaas oo u soo jeeday dhanka Lambar Afar.

 

Najmo inta aysan weli Buulo Xuubey ka soo bixin ayuu walaac galay kaddib markii labo wiil oo sida wax waalan u socday oo qaylinaaya ay labada garab kaga kala dhegeen, kaddibna bilaabeen in ay kala jiidjiitaan, ma oga in ay Kirishbooyo yihiin, waxaa ay u qaadatay kuwa iyada wax ka boobaya oo soo weeraray.

 

Kirishbooyada akhlaaq darada ka sokow mid walba wuu qaylinayaa haddana gabadha waxa uu sheegayo ma fahmeyso. Markii ay jiidjiideen ayey xanaaqday oo waxaa ay ku sigatay in ay kabteeda siibato si ay dagaal ula gasho.

 

Midkii xoog badnaa ayaa gaarigiisa ku jiitay oo gabadhii xoog ku saaray, wayna iska raacday. Daqiiqado aan badneyn kaddib Lambar Afar ayaa la soo gaaray, gaarigiina meesha ayey kaga degtay si ay u raacdo gaari u socda dhanka Cali Kamiin.

 

Najma dhibaato aysan filaneyn ayaa qabsatay, markii ay u dhaqaaqday dhanka gawaaridii lagu rarayey, waxaa markiiba isku qabsaday kirishbooyo tobaneeyo ah, kuwaas oo nafteeda halis geliyey, walwalna ku abuuray.

 

Gabadhiiba waa ay waaleen, heer ay cabsi iyo naxdin darteed isku dhex yaaci gaarto ayey gaarsiiyeen, mid walbana waa uu jiidayaa mooyee meesha ay u socoto ma weydiinaayo, sida loo kala jiidjiidayeyna garbihii ayaa xanuunay, mid warkeeda dhegeysanaayo ma leh, waa uun la jiidayaa.

 

Markii ay nafta u yaabtay, ayey ku qaylisay "Idaaya, war idaaya” laakiin yaa ka maqlay oo ka dhegeystay warkaas. Inta ay gacanteeda si hal haleel ah uga filiqday mid Kirishbooyadii aqlaaqda darnaa ah ayey mar qura ciid haabatay oo ku seyrtay Kirishbooyadii oo dhan. Kaddibna mid odey ah oo isna kirishbooy ah, balse timihiisa oo ciro ay ka muuqato mooyee aan akhlaaq badan laheyn ayay gaarigii uu raraayey waydiisay, isagana gabadha ma uusan waydiin halka ay u socoto e waxaa uu saaray gaari u socday Xamarweyne.

 

Waxaa intaas u dheeraa nacamleeyayaasha oo gabadha faduul, caay iyo dhego hadal isugu daray, kuwaas oo iyagana ay la yaabtay sida ay u akhlaaq daran yihiin iyo sida ay u maagayaan, weligeed meysan soo bixin oo haddii ay qof socota ahaan laheyd Insho-Shareer ayey iska soo xiran laheyd.

 

"War kuwan waalid ma dhalin miyaa oo lama soo abaabin?” ayey qalbiga iska waydiisay, "Haddii la dhalay maxaa iyagoo waalan jidka loogu soo wada daayey?” ayey haddana is waydiisay. "Koleyba qof aan la dhalin ma jiree malaha iyagaa tuugo caasi waalideyn ah” ayey isku qancisay.

 

30 Daqiiqo oo hadba meel la istaagaayey kaddib ayuu gaarigii soo istaagay Isgoyska u dhexeeya Bacaadlihii Xamarweyne iyo Dahablihii hore ama Barxadda Yaasiin, halkaas oo ah goob aad mashquul u ah, qofkii ku cusubna uu hubaal ku dhumayo ama ku wareerayo.

 

Kirishoboygii cirrada lahaa, balse afkiisa ay cayda iyo xumaanta ka qubaneysay ayaa dadkii rakaabka ahaa ku yiri "Gaariga halkan ayuu ku eg yahay ee ka daata”

 

"Ka daata aah!” ayey niyada iska waydiisay, waxaa ay moodaa in daadashadu tahay inuu qof walbaa dhulka isku tuuro, hase yeeshee Kirishbooyadu waa hal qabsigooda waxaa ayna ula jeedaan "ka soo dega”

 

Markii ay gaarigii ka degatay ayey aragtay in ay dhex taagan tahay saro dhaadheer oo aysan weligeed arkin. waxaa ay Kirishbooygii waydiisay "Waa halkee meeshan?” "Xamarweyne” ayuu ugu jawaabay, wuxuuna ku booday gaarigii oo waa uu dhaqaaqay isaga oo aan caawin gabadhii.

 

"waxaa ay isagoo sii baxaya waydiisay "Halkee laga raacaa gawaarida Xamar Bile?” Wuxuu gacanta ugu tilmaamay meel ay safnaayeen gawaari loo raaco dhanka Sanca iyo Kaaraan, iyadiina meeshii ayey abbaartay.

 

Miskiintu mar walba waxaa ay magan u noqotay Kirishbooyo kuwaba kuwa ka dambeeya ka sii akhlaaq xun yihiin oo inta ku dhegaan kala jiidjiidaaya oo aan ka xishooneyn.

 

Iyadana in korkeeda qof ajnabi ka ahi uu taabto waxaa ay la tahay dhimasho oo kale, laakiin cidna lama tashaneyso oo waa lagu soo shamuumaa uun, "Wa shamsi ayey ku qaadeen” gabadhii yareyd.

 

Markii ay boosteejadii Kaaraan timid qof weydiiyey meesha ay u socoto in ay sheegto ma jirin, waayo Kirishbooy kasta wuxuu aaminsan yahay qoftii meesha timaado in ay Sanca ama Kaaraan u socoto, garaawida ugu bandanna labada meelba waa ay tagaan.

 

Jiidjiid iyo rafaadin ayey ku bilaabeen illaa nin odey ah uu ul inta qaatay ka fujiyey Kirishbooyadii kaddibna iyadoo naf la caari ah ayey gashay gaari Sanca u socday, xitaa ma aysan weydiin halkee buu gaariga u socdaa.

 

Wadadii habowga ayey sii qaaday oo way sii luntay, cid sii hageysana ma leh oo iyada ayaa dadka oo dhan ka baqeysa.

 

Markii gaarigii la soo raray u dhaqaaqay dhankii Sanca ayey niyada iska waydiisay in ay taleefoonkeedii la soo baxdo oo aabaheed wacdo, hadana way cabsatay oo waxaa ay is tiri "Ammaa lagaa qaataa” sidii ayey isaga dhaaftay.

 

Markii Isgoyskii Sanca la soo gaaray ayuu Kirishbooygii ku yiri gaarigan halkan ayuu ku eg yahay, waxaa ay waydiisay halkan waa halkee, wuxuu ugu jawaabay "Sanca” Sanca miyey garaneysaa weligeed ma aysan maqlin meel Sanca la dhaho oo Muqdisho ka mid ah in ay imaato daaye.

 

waxaa ay kirishbooygii waydiisay gawaarida Xamar Bile halkee laga raacaa, wiil yer oo aan magaalada aqoon u laheyn ayuu iska ahaa, in uu gabadha ku yiraahdo ma aqaano ayaa uu ka xishooday markaas ayaa uu gabadhii ku yiri gawaaridaasi raac, meel ayuuna u tilmaamay.

 

Gawaarida uu u tilmaamay waxaa ay u socdaan dhanka Bakaaraha, laakiin Najma ma ahan qof magaalada kala taqaana oo inta ay kaga degto Isgoyska Florenza kaddib dhanka If iyo Aakhiro inta u lugeyso sidaas ku raadin karta xaafaddii ayeydeed ee Xamar Bile.

 

Najma gaarigii ayey soo raacday, mana waydiin meesha uu u socdo, waayo Kirishboygii kale ayaa u sheegay in ay u soo socdaan dhanka Xamar Bile.

 

Markii ay maraayeen isgoyska Siinaay ayaa askari meesha taagnaa waxaa uu wadihii waydiiyey lacag baad ah, markii uu wadihii diiday in uu dhiibo lacag ayaa uu askarigii gaarigii xabadeeyey taas oo dhalisay in ay dhintaan dhawr qofood.

 

Gaarigii waa laga daatay lagana kala cararay, Najma waxaa ay iska soo daba carartay islaan dhanka Isgoyska Florenza u soo carartay, hase yeeshee inta aysan u dhowaan isgoyskii ayaa askartii Isgoyska Florenza joogtay waxaa ay ka shakiyeen xabadihii dhacay, markaas ayey bilaabeen in ay xabado soo ridaan.

 

Najma iyo islaantii waxaa ay ka degeen jidkii, waxaa ayna ku gambadeen meel ay dad kale xabadda kaga gambanayeen. Dadka meesha ku jira waxaa ka mid ah 4 dhalinyaro ah oo hubeysan kuwaas oo markii ay arkeen inanta quruxda leh ee kaligeed socota misena fiigsan uu damac ka galay in ay xoogaan.

 

Durba waxaa ay bilaabeen in ay isu baaqaan, hadalo carab jalqin ah balse dulmi loola jeedana waa ay is weydaarsadeen, iyagoo diidaaya in la dareemo. Waxaa ay is waydiiyeen armaa lala socdaa, qof uga jawaabayse ma leh, Najmana maleeshiyaadkan shooraya dareen gooni ay ayey ku reebeen oo cabsi aad u weyn ayaa gashay, dhidid ayaa korkeeda oo dhami ka socota, laamiga dhankiisana looma leexan karo oo waxaa is xabadeynaya askarigii gaariga xabadeeyey iyo askar kale oo dooneysa in ay qabtaan oo xiraan.

 

Muddo ku dhaw 30 daqiiqo markii xabadii socotay dhalintii hubeysyendna ku tashadeen in ay gabadhan yar ee ambadka ah la haraan ayaa waxaa sheekadooda dhegeysanayey odey ka mid ah Ciidanka Dowlada oo meesha taagnaa.

 

Odeygii askariga ahaa wuxuu go’aansaday inuu qorigiisa soo qaato oo gabadha ka dhiciyo meleeshiyaadka haddii ay isku dayaan in ay handadaan, sidii ayuuna yeelay oo qorigiisii ayuu soo baxsaday isagoo iska dhigaaya inuu dagaalka socda dartiis ula soo baxay.

 

Dagaalkii wuu yara kululaaday, kaddib markii qaar ka mid ah dableydii Isgoyska Siinaay Joogtay ay la safteen askarigii gaariga xabadeeyey, waxaana dhimatay 2 ka tirsan askarta oo gudahood ay iska dileen.

 

Dhalinyaradii oo marxaladaas ka faa’iideysaneysa ayaa waxaa ay isku dayeen in ay dadka meesha jooga ku yiraahdaan anagaa idin gudbineynee soo baxa, dhanka xaafadda ayaan idin marsiineynaa, ujeedkoodana waa in ay meesha kala dhaqaaqaan kaddibna gabadha yar, waa Najmee la haraan oo sidaa lagu dhibaateeyo.

 

Markii ay dadkii ku yiraahdeen waan idin gudbineynaa, ayaa odeygii faqooda maqlaayey waxaa uu ku yiri "Ciddii aad doontaan gudbiya gabadhan yar idin raaci meyso.”

Najma way naxday, wadnaha ayaa gariiray markii odeyga hubeysan uu sidaas yiri.

 

Inkastoo uu odeyga ciidanka ah uu doonaayo inuu Najma ka badbaadiyo dhalintan kufsi doonka ah, hadana iyada waxaa ay xusuusataa odeygii kirishboyga ahaa ee aadka u akhlaaqda darnaa, marka kan qoriga heystana sidii oo kale ayey ka maleyneysaa am aka sii xun, ha yeeshee waa odey Ilaah dartii ugu gargaaraya.

 

Dhalinyaradii waxaa ay isku dayeen in ay odeyga ku qanciyaan in ay dadka oo dhan iyaga gudbiyaan waxaa uuna ugu jawaabay hawshiina qabsada qof la gudbinaayo ma leh, haddii xitaa aad dad gudbineysaan gabadhan kuma jirto.

 

Markii hadaladaas la is dhaafsanayey Najma wadnaha ayaa qaboobay, korkeeda oo dhan dhidid ayaa ka soo daatay, waxaa ay is waydiisay "Mana habaarneyne maanta sidan maxaa ay kuu aheyd” waa ay ilmeysay, kaddibna inta taagnaan waysay ayey dhulka fadhiisatay, oohin ayey bilowday.

 

Islaan islaamaha meesha taagnaa ka mid ah ayaa isku dayday in ay aamusiso Najma, laakiin aamusnaan uma jeedee waxaa ay is leedahay maanta bahalo ayaad u gacan gashay waxaa ay kugula dhaqmi doonaan si noloshaada dambe oo dhan mugdi gelin doonta.

 

Dhalinyaradii iyo odeygii hadallo kulul ayey is dhaafsadeen waxaa uuna ugu hanjabay in uu taliska ciidanka ku dacweyn doono, weliba si aan gambasho laheyn ayaa uu ugu yiri "Waan idin dhegeysanaayey marka aad inantan yar ee miskiinta ah aad u tashaneyseen, ALLAAH ayaan ku dhaartaye waan idin leynayaa haddii aadan meesha ka tagine”

 

Dhalinyaradii waa ay garowsadeen in tashigoodii uu odeyga la socday oo haatanna ay dhabta ka taagan tahay, dadkii oo dhan ayaa iyaga mar qura ku soo wada jeestay, Najmana sida ay u oyneysay qof walba oo la hadlana isaga filqeysay ayey tabartii gabtay, balse waxaa ay baraarugtay marka ay maqashay odeyga oo leh waan idin dhegeysanayey markii aad inanta yar u tashaneyseen, naxariis yar ayeyna sidaas ku dareentay oo walwalkii ay odeyga ka qabtay ayaa ka degay.

 

Xabaddii ayaa istaagtay, waxaa uu odeygii Namja waydiiyey halkeed u socotaa. Iyadoo naxsan ayaa waxaa afkeeda ka soo booday Xamarweyne, iyaduse waxaa ay u heysataa in ay tiri Xamar bile. Xilligu waa duhurnimo oo waqtigii inta ay marba meel gaari u raaceysay ayaa uu is guray.

 

Odeygii inta Najma soo raacay oo keenay Isgoyska Siinaay ayaa uu gaari saaray, waxaa uuna ku yiri marka aad Hawlwadaag geyso u raadi gaari ay ku tagto Xamarweyne, sidii ayaana darawalkii lagala soo balamay uu ku saaray Gaari kale oo Xamarweyne ku soo celiyey.

 

Xilliga oo sideed saac ah ah, qoraxda oo aad u kulul, markii Najma la keenay Xamarweyne ayey meel iska istaagtay, qofna lama hadleyso, waa ay naxsan tahay, waa ay yaaban tahay, mana ka fikireyso wax kale oo waxaa ay is leedahay armaad aragtaa qof ku yaqaana oo sidaas maanta kugu geeya gurigii ayeydaa.

 

Markii ay cabaar dhakafaarsaneyd ayey maqashay aadaankii Salaadda Casar, kaddib waxaa ay go’aansatay in ay meel dukaan ah gasho, kaddibna inta taleefoonkeedii la soo baxdo aabaheed wacato.

 

Boorsadii markii ay furtay adigaaba taleefoon ii dhiibtay. Iyadu waxaa ay moodeysay in ay wadato, waxaa ay is tiri inta lagu jiidjiidaayey ayaa lagaa xaday, markaas ayey oohin bilowday.

 

Ninkii dukaanka lahaa waxaa uu Najma waydiiyey maxaad u oyneysaa adeer, waa ay u jawaabi waysay, waxaa uu ku dhahay waan soo dukanaa dukaanka waan xiraaye banaanka bax, sidii ayey kaga soo baxday iyada oo aan la hadlin.

 

Iyadoo meesha ku oyneysa oo noloshii oo dhan ciriir ka gashay, taleefoon weysay, tilmaan aqoon, dadkii oo dhan ka aamin baxday, Xijaabkeedii qurxoonaa illin iyo diif bedeleen, wejigeedii qayirmay, ildherekana la moodo in ay bilo xanuunsaneyd ayaa islaan waayeel ah oo muddo eegeysay u timid.

 

Islaantii waxaa ay Najma waydiisay maxaad u oyneysaa maandhaay, maxaa kaa halaabay anigaa ku caawinayee. Najma neef weyn ayaa ka soo fuqday markii ay islaantii tiri "aniga ayaa ku caawinayo”.

 

Najma reerkoodii waa ay wareersan yihiin oo gabdha in ay taleefoonkeedii guriga kaga tagtay waa ay ogaadeen, markii ay aadadeed iyo ayeydeed waydiiyeen in ay soo gaartayna waxaa loo sheegay in aysan soo gaarin, markaas ayaa reerkii oo dhan waxaa ay galeen baadi goob, waxaa ay ka baqeen in uu dhib gaaray ama la afduubtay gabadhooda.

 

Mararka qaar waxaa lagu shakiyey waa gabare armey masaafo wiil u raacday, sidoo kale ayaa laga shakiyey in ay dano gaar ahaaneed aaday, laakiin aabaheed oo aad ugu kalsoonaa waxaa uu ku adkeystay "Gabadheyda Najma wax baa ka si ah mooyee ima khiyaameyneyso”.

 

Najma waxaa ay islaantii u timid u sheegtay inay guriga ayeydeen oo Xamar Bile ku yaala soo aaday, kaddibna dhuntay oo meeshii uu ahaa garan waysay oo gaari qaldan soo raacday, haatan oo gabalkii sii dhacaayana aysan garaneyn si ay gurigooda ku tagto.

 

Islaantii waxaa ay Najmo waydiisay "Halkeed degan tihiin?” Najma waxaa ay ku jawaabtay "Macruuf ayaan degan nahay”

 

Islaantii waxaa ay Najma u sheegtay in ay Geyneyso Illaa Lambar Afar, isla markaasna ay saari doonto gaari u socda Buulo Xuubey. Najma sidii ayey neefta kaga soo fuqday. Guuldaradii ku dhacday uma muuqatee waxaa ay is leedahay mar uun gurigiina tag. Waxaa ay u heysataa in taleefoonkii aabaheed ku abaal mariyeyna uu tuug ka qaatay, hadiyadii eedadeedna ay geftay, nafteediina halis gashay, nasiib darrooyin badan oo isu kaashaday ayey ka ciishoon tahay.

 

Islaantii Najma waxaa ay geysay goobteedii Ganacsi, iyadoo meeshii fadhida ayaa idaacad ka shidneyd raadiye mesha yaalay waxaa soo gashay baafin la baafinaayo Najma oo aabaheen lambarkiisii lagu sheegay, sidii ayay islaantii Lambarkii ku wacday oo Najma aabaheed loogu sheegay in gabadha iyadoo baadi ah ay Xamarweyne joogto.

 

Islaantii iyo Najma aabaheed waxaa ay ku balameen Lambar Afar, halkaas oo ay Islaantii Najma kula wareejisay aabaheed.

 

Najma markii ay aabaheed aragtay oohin ayey gashay, waana la aamusin waayey, waxaa aabaheed al socday labo ka mid ah walaalaheed. Xitaa waa ay ceebsatay in ay tiraahdo Taleefoonkii ayey tuugo iga qaadatay, waayo si looga qaatay xitaa ma oga.

 

Markii guriga ay yimaadeen oo ay weli ciil la oyneyso ayay hooyadeed u soo bixisay Taleefoonkii, Najma aragtida taleefoonkii ayey ku sastay oo iyadoo oyneysay ayey bilowday in ay dhoola cadeyso. Sidoo kale waxaa afkeeda ka soo boodday "CAKU GAARI CAASI AH IYO WIIL WADA!” Oraahdaas oo aabaheed iyo walaalaheed ka yaabisay, kaddibna waxaa ay uga sheekeysay wax allaale wixii dhib ahaa ee ku dhacay oo ah sida sheekada kore ku qoran.

 

Anigana waxaan isaga abaal hayaa in seddax sano kaddib aan sheekadii idin soo daabacay, idinkana waxaan idinkaga mahad celinayaa aqrinta wanaagsan iyo fikradihiina. Wixii dhaliil ah ku soo hagaaji Abukar.albadri@gmail.com