DR. CUKAASH SUGOW MAXAMED OO LOO DOORTAY UGAASKA GUUD EE BEELAHA ASHARAAF IYO LEYSAAN EE DALKA SWEDEN.

0
Wednesday June 17, 2015 - 01:13:29 in Local News
  • Visits: 3162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DR. CUKAASH SUGOW MAXAMED OO LOO DOORTAY UGAASKA GUUD EE BEELAHA ASHARAAF IYO LEYSAAN EE DALKA SWEDEN.

    Bengetsfors, Sweden – Shirweyne Muhiim ah oo ay isugu yimaadeen ergooyin ka kala socday beelaha Digil iyo Mirifle iyo dadka dega Gobaladda koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Bengetsfors ee dalka Sweden, kaas oo gebagebadiina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bengetsfors, Sweden – Shirweyne Muhiim ah oo ay isugu yimaadeen ergooyin ka kala socday beelaha Digil iyo Mirifle iyo dadka dega Gobaladda koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Bengetsfors ee dalka Sweden, kaas oo gebagebadiina lagu doortay laguna caleemo saaray Ugaaska Guud ee beelaha Asharaaf iyo Leysaan ee waqooyiga Yurub Ugaas Dr. Cukaash Sugow Maxamed.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen dhawr boqol oo ergo ah, marti sharaf, cuqaal iyo waxgarad bulshada Soomaaliyeed ka kala socday ayaa wejigiisa hore waxaa lagaga tashaday sidii loo mideyn lahaa dhammaan bulsho weynta ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaanna beelaha Digil iyo Mirifle, iyadoo wejiga labaad ee shirkaasna Beelaha Asharaaf iyo Leysaan ay halkaasi ku doorteen kuna duubeen Ugaas si guddi dhaqan oo ku matala dalalka Waqooyiga Yurub ee ay ugu horeyso Sweden.

Guddiga dhaqanka ee beelaha Asharaaf iyo Leysaan ayaa Ugaaska guud ee beelahan walaalaha ah waxaa ay u doorteen isla markaasna u caleemo saareen Dr. Cukaash Sugow Maxamed oo ah aqoon yahan muddo badan ka soo shaqeeyey arrimaha samafalka Bulshada, gaar ahaanna Caafimaadka, kaas oo si kalsooni leh ay bulshada labada beelood isugu raaceen inuu hoggaamiyo.

Dr. C/Qaadir Chief Sagaarey oo ah wakiilka Koonfur Galbeed ee dalkan Sweden oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay muhiimadda ay midnimada u leedahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaanna ummadda degta Gobalada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Chief Sagaarey oo bulshada aad u baraarujiyey ayaa wuxuu yiri, "Walaalayaal, wax midnimo iyo wada jir lagu waayey laguma heli karo kala qeybsanaan, bulshada degta Koonfur Galbeed waa in ay u midowdaa sidii ay deegaanadooda nabad waarta uga dhalin lahaayeen, horumarka uga shaqeyn lahaayeen, isla markaasna bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed deris wanaag ugula noolaan lahaayeen” wuxuuna intaas ku daray, "Waxaan hambalyo leeyahay Ugaaska ay doorteen beelaha walaalaha ah ee Leysaan iyo Asharaaf oo Ugaas Dr. Cukaash Sugow isku raacay inay duubtaan, tani waxay muujineysaa in la gaaray xilligii ay beelaha ku dayan lahaayeen oo wax lagu mideysan yahay la wada sameysan lahaa.

Chief Sagaarey wuxuu Balan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii uu isku xir wanaagsan ugu sameyn lahaa bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ka degan dalka Sweden iyo kuwa gudaha degan isaga oo u maraya Ugaaska la doortay.

Guddoomiyaha Gobalka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Rashiid Isaaq Macalin, oo caleemasaarka Ugaaska kaga qeyb qaatay qadka taleefoonka ayaa bogaadiyey doorashada Ugaas Cukaash Sugow.

"Waa maalin nagu weyn, waa maalin beelaha walaalaha ah ee Asharaaf iyo Leysaan o waligoodba mideysnaa ay haddana dadka tusiyeen in ay yeelan karaan Guddi Dhaqan oo leh hal hoggaan, waxaan balan qaadeynaa in aan idinla shaqeyno” ayuu yiri Guddoomiye C/Rashiid Isaaq.

"Waxaan idin leeyahay Hambalyo, waxaan idinku boorinayaa in aad ka shaqeysaan sama falka dadka tabaaleysan ee ka soo jeeda deegaanada aad matashaan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Malaaq Maxamed Caddo woo isagana oraah qiimo leh ka jeediyey caleemo saarka Dr. Cukaash Sugow Maxamed, Ugaas guud ee Asharaaf iyo Leysaan ee Sweden wuxuu sheegay in ay farxad weyn u tahay inuu goob jog u noqdo iyadoo ay Beelaha walaalaha ah sameysanayaan duub ay isku raacsan yihiin oo matala.

"Waxaad qaaddeen tallaabo wanaagsan, waxaad muujiseen biseyl iyo xadaarad wanaag, waxaad ku dadaashaan sidii aad dadka ugu horseedi laheydeen wanaagsan, iska dhexgalka bulshada iyo samafalka inta u baahan gargaarka”

Ugu Dambeyntii Dr. Cukaash Sugow Maxamed oo isaga ah nin dhalin yaro ah inta badan waqtigiisana ku soo qaatay u samo falka Bulshada ayaa wuxuu ka mahad celiyey sida wanaagsan ee ay bulshada kalsoonidooda isaga ugu aamineen, isla markaasna ugu diyaarsan yihiin in ay ku garab istaagaan wax u qabashada Bulshada.

"Xilka aad I saarteen waa xil weyn oo aad u culus, waxaan ALLAAH ka rajeynayaa inuu ila garab galo, idinkana waxaan idinka rajeynayaa in aad xil iska saartaan sidii aan uga miro dhalin laheyn hadafka aad aniga iigu doorateen hoggaanka dhaqanka guud ee waqooyiga Yurub” ayuu yiri Dr. Cukaash.

"waxaan ku dadaali doonaa in aan bulshada Asharaaf iyo Leysaan midnimadooda xoojiyo, in aan beelaha Digil iyo Mirifle Midnimadooda raadiyo isla markaasna ummadda Soomaaliyeed midnimadeeda goobno anaga oo wada jirna” ayuu hadalkiisa ku daray.



Ugaas Dr. Cukaash wuxuu ka qeybgalayaashii shirka isaga lagu doortay ka codsaday in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee dib uga soo qaxaya Yaman, isla markaasna gurmad loo fidiyo dadka tabaaleysan ee dalka, gaar ahaan Koonfur Galbeed ku nool in loo gargaaro inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala geddisan ee bulshada Soomaaliyeed isla markaasna ay goob job ka aheyd saxaafadda ayaa wuxuu ku dhamaaday jawi aad u degan oo ka qeyb galayaashu ay farxad iyo marxabeyn isku sagootiyeen.