Digniin kusocota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya

0
Sunday January 10, 2016 - 21:06:39 in Local News by
  • Visits: 2312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin kusocota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya

    Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga waxaa ay ugadigayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kafeejignaato xildhibaano doonaya in ay wasaaradda si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga waxaa ay ugadigayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kafeejignaato xildhibaano doonaya in ay wasaaradda si sharcidarro ah uga diiwaangeliyaan odayaal dhaqameed been abuur ah oo la doonayo in lagudiiwaangeliyo magaca golaha Odayaasha Dhaqanka Banaadiriga.

Warsaxaafadeed

Ujeeddo: Digniin kusocota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga waxaa ay ugadigayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kafeejignaato xildhibaano doonaya in aywasaaradda si sharcidarro ah uga diiwaangeliyaan odayaal dhaqameed been abuur ah oo la doonayo in lagudiiwaangeliyo magaca golaha Odayaasha Dhaqanka Banaadiriga.

Waxaa na soo gaaraya warar sugan oo sheegaya in kooxo gaar ah oo dano siyaasadeed oo gaar ah leh ay iskudayayaan in ay marinhabaabiyaan masiirka Qowmiyadda Banaadiriga, islamarkaasna ay rabaan ineey diiwaangeliyaan odayaal ayaga ay ku daneystaan .

"Waxaan kadigeynaa in wasaaradda ay aqbasho magacyo shaqsiyaad aan Reer Banaadiri matalin loo soo gudbiyo wasaarada si ay udiiwaan geliyaan, waxaana ka codsaneynaa in aan lajoojiyo diiwaan galinta qaladka ah. Arintaan waxeey meelkudhac ku tahay sharafta iyo haybadda Qowmiyadda Banaadiriga iyo hoggaankeeda.

Waxaa wanaagsan wasaarada arimaha gudaha ineey ogaato in reer banaadir ay mideysan yihiin sidii horena aysan aheen oo indhahooda furan yahay.

Waxaan usheegeynaa Dowlada Somaliyed, Umada somaliyed iyo bulshada caalamka in xildhibaano gaar ah oo ka tirsan golaha barlamaanka oona hugsan awooda Dowlada ay si khaldan ugu tagrifalaayaan xaquuqda reer banaadir.

Ma aqbali doonno in xaquuqdeeda iyo aayo katalin teena ay marinhabaabiyaan xildhibaano isticmaalaaya Awooda dowlada ama Xildhibaanimadooda, mustaqbalka reer banaadir waxaa xaq u leh shacabka reer banaadir . saas darted xildhibaano waqtigooda dhamaaday oo doonaaya ineey soo laabtaan xaq uma lahan ineey ka hadlaan hiigsiga 2016 sababtoo ah waa xildhibaano waqtigooda gabo gabo yahay.

Odayaasha dhaqanka Beelaha Banaadiriga waxaa ay ugu baaqayaan dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamka in ay soofarageliyaan arrintan, sababtoo ah waxeeyna keeni kartaa dhibaato weyn.

Mahadsanidiin