Magacaabid Duubka Duubyada Reer Maanyo & Mudaaharaad Loogu Soo Horjeedo Odayaasha Beenta Ah Ee Xildhibaanada Sameysanaayaan

0
Tuesday January 19, 2016 - 20:24:40 in Local News by Sub Editor - Ayub Ismail
  • Visits: 3157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacaabid Duubka Duubyada Reer Maanyo & Mudaaharaad Loogu Soo Horjeedo Odayaasha Beenta Ah Ee Xildhibaanada Sameysanaayaan

    Shir ay jeeyeesheen dhamaan Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga waxey isku raaceen in laga bilaabo Jan. 19, 2016 Xaaji Kamaal Maki Aweys uu yahay Duubka Duubyada Reer Maanyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir ay jeeyeesheen dhamaan Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga waxey isku raaceen in laga bilaabo Jan. 19, 2016 Xaaji Kamaal Maki Aweys uu yahay Duubka Duubyada Reer Maanyo.

Warsaxaafadeed

Jan. 19, 2016

          Ujeeddo:     Magacaabid  Duubka Duubyada Reer Maanyo Xaaji Kamaal Maki iyo

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Shir ay jeeyeesheen dhamaan Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga waxey isku raaceen in laga bilaabo Jan. 19, 2016 Xaaji Kamaal Maki Aweys uu yahay Duubka Duubyada Reer Maanyo.

 

MagacaabidaXaaji Kamaal Maki Aweys waxey imaaneesaa ka dib marka uu ka geeriyooday xilkaasi alllah u naxariistee nabadoon Maxamed Ismaaciil Xaaji oo xilkaasi horey u haayay. Nabadoon Xaaji Kamaal Maki Aweys waa oday-dhaqan ee bulshada reer maanyo iyo odayaasha dhaqanka ey doorteen waana shaqsi u leh karti iyo aqoon ba in uu qabto xilkaasi.

 

Sidoo kale Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga waxaa ay ugadigayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in  ay kafeejignaato xildhibaano doonaya in ay wasaaradda si sharcidarro ah uga diiwaangeliyaan odayaal dhaqameed been abuur ah ama gacan ku rimis ah oo la doonayo in lagudiiwaangeliyo magaca golaha Odayaasha Dhaqanka Banaadiriga.

 

Waxaa wanaagsan wasaarada arimaha gudaha ineey ogaato in reer banaadir ay mideysan yihiin sidii horena aysan aheen oo indhahooda furan yahay. Dhaqanka soomaliya kama mid aha in siyaasi uu sameesto oday dhaqan ee waa in sidaan oo kale ee bulshada go’aan ka gaartaa iyo dhaqanka cidii hogaan dhaqameed u noqonlaheed.

 

Waxaan usheegeynaa Dowlada Somaliyed, Umada somaliyed iyo bulshada caalamka in xildhibaano gaar ah oo ka tirsan golaha barlamaanka oona hugsan awooda Dowlada ay si khaldan ugu tagrifalaayaan xaquuqda reer banaadir.

 

Waxaan halku dhig noo ah:-

Imaam malihin

Caaqil malihin

Malaaqyo aa leenahay

Kala saar siyasada iyo dhaqanka

Oday been abuur ah marabno

5-beel halagu saleeyo doorashada 2016

Xildhibaanada faraha hakala baxaan dhaqanka

 

Mahadsanid,