Digniin kusocota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya & Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed

0
Thursday February 04, 2016 - 19:09:39 in Local News by Sub Editor - Ayub Ismail
  • Visits: 2904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin kusocota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya & Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed

    Odayaasha dhaqanka ,Malaaqyada iyo Golaha Isbedeldoonka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga waxaa ay ugadigayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kafeejignaato kooxo xildhibaana ah oo doonaya in ay si qalad ah u caleemo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayaasha dhaqanka ,Malaaqyada iyo Golaha Isbedeldoonka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga waxaa ay ugadigayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kafeejignaato kooxo xildhibaana ah oo doonaya in ay si qalad ah u caleemo saaraan SULDAAN BEENEED isla markaana ay si sharci daro wasaaradda arimaha gudaha uga diiwaan galiyaan, weliba ayadoo la doonayo in la adeegsado awooda dowlada.

Warsaxaafadeed

03/02/2016

Ujeedo: Digniin kusocota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya

OG: Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Odayaasha dhaqanka ,Malaaqyada iyo Golaha Isbedeldoonka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga waxaa ay ugadigayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kafeejignaato kooxo xildhibaana ah oo doonaya in ay si qalad ah u caleemo saaraan SULDAAN BEENEED isla markaana ay si sharci daro wasaaradda arimaha gudaha uga diiwaan galiyaan, weliba ayadoo la doonayo in la adeegsado awooda dowlada.

Waxaan cadeeneenaa in beelaha banaadiriga aysan laheen Suldaan, Imaam ama Caaqil midkood laakin ay hada xildhibaanadabilaabeen in ey faraha lasoo galaan arimaha dhaqan ka, si ay u been abuuraan dhaqan aan wax ba ka jirin oo ey ku helaan mansab siyaasadeed.

Sidaas darted waxay odayaasha, malaaqyada iyo golaha isbadal doonka si xoogan ugu digaayaan dowlada iyo odayasha dhaqanka soomaaliyeed ay ka feejignaaadaan arintaasi.

Waxaa arin muruga leh ah waqtiga hada lajooga in aqalka sare aan reer banaadir waxba laga siin meeshii ay ku mashquuli lahaayeen raadinta xaqa reer Banaadir eey xildhibaanadeedana ku howlanyihiin sidii ay u sharciyey lahaayeen hirgalintasuldaan imaan iyo caaqil beeneed,

laakin wasaarada waxaan u sheegeenaa in ay bulshaweynta reer banaadir ay la imaanaayaan hal malaaq oo sax ah oo sanad kaan wakiil buuxa ka noqonaaya arimaha kala guurka.

Waxaana wasaarada arimaha gudaha imaanaaya asiga oo wata shacabkiisa, mana rabno hal oday oo hal xildhibaan la dhuumanaayo iyo wax lamid ah in wasaarada lakeeno lana diiwaangaliyo.

Waxaana soogaaraya iney iskudayayaan in ay marinhabaabiyaan wasaarada arimaha gudahaiyo Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga, islamarkaasna ay situugaaleysi ah kudiiwaangeliyaan dad loo ekeysiiyey in ay yihiin odeyaal dhaqan balse aan aheyn.

Mida kale bulshaweeynta reer banaadir waxaan u shegeynaa, majiraan wax kala sooc ah,

ma jitro kanaa gibil cad ah, kanaa gibil madoow ah, waxaan ku hashiinay Reer Banaadir – Reer Banaadir waaye,

Ma aqbali doonno in xaquuqdeeda iyo aayo katalin teena ay shaqsiyaad marinhabaabiyaan, waxaana uga digeynaa shaqsiyaadka qowleysatada ah in ay arrintaas kawaan toobaan haddii kale cawaaqib xun ay ka dhalandonto arrinkaas,

Maalmahanba waxaa soo batay kooxo daneystayaal siyaasadeed ah oo doonayey in ay afduubaan masiirka hoggaanka dhaqanka Qowmiyadda Banaadiriga,

Odayaasha dhaqanka Beelaha Banaadiriga Malaaqyada iyo Golaha isbedeldoonka waxaa ay ugu baaqayaan dowladda Soomaaliya ineey arintaan ka muujiso feejignaan buuxda

Mahadsanidiin