BAAQ CANBAAREYN AH!

0
Monday February 22, 2016 - 23:28:30 in Local News by Sub Editor - Ayub Ismail
  • Visits: 4891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAAQ CANBAAREYN AH!

    Mudaneyaal iyo Marwooyin, Golaha Isbedel-doonka Siyaasadda ee Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta ,Waxgaradka & Dhaliyaradda Banaadiriga waxay si weeyn u canbaareynayaa sida loogu tagrifalay oo looguna xadgu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaneyaal iyo Marwooyin, Golaha Isbedel-doonka Siyaasadda ee Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta ,Waxgaradka & Dhaliyaradda Banaadiriga waxay si weeyn u canbaareynayaa sida loogu tagrifalay oo looguna xadgudbay xubnihii qowmiyadda Banaadiriga u matali lahaa shirka wadatashiga ee heerka sare ah ee ka furmay Turkiga, kaas oo uu si shaqsi ah ugu tagrifalay Jeylaani Nuur Iikar.

 

BAAQ CANBAAREYN AH! 



"Shirka Turkiga ka furmay"

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Assalaamu Caleykum,

Mudaneyaal  iyo Marwooyin,

Golaha Isbedel-doonka Siyaasadda ee Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta ,Waxgaradka & Dhaliyaradda Banaadiriga waxay si weeyn u canbaareynayaa sida loogu tagrifalay oo looguna xadgudbay xubnihii qowmiyadda Banaadiriga u matali lahaa shirka wadatashiga ee heerka sare ah ee ka furmay Turkiga, kaas oo uu si shaqsi ah ugu tagrifalay Jeylaani Nuur Iikar.

Jeylaani Nuur Iikar oo muddooyinkan danbe siduu doono ugu tagrifalaayey awooda Qowmiyada beelaha banaadiriga iyo sedka awood-qeybsiga siyaasadeed ee Qowmiyadda ayaa shirka ka dhacaya Turkiga ka saaray ergadii ay qowmiyada Banaadiriga ugu talo gashshay.  Waxaana shirka aaday isaga iyo walaalkiis Iimaan Nuur Iikar oo kaliya, taas oo ah mid ay si buuxda ugu xadgudbeen uguna takri faleen xaqa iyo xuquuqda reer Banaadir ayagoo wata dano shaqsiyadeed oo ayaga u gaar ah oo aysan ku mataleynin Qowmiyadda.

Ayadoo ay jirto shirarkii ka horeeyey shirkaani ay sidaas iyo si lamid ah ugu qeybgaleen shaqsiyaadkani  wax natiijo oo banaadir danteeda ahna kama keenin waxaa taaka siixun in Banaadir lagu qatiyey aqalka sare ee baarlamaanka ayagoo goob jog ah

 
Beesha Caalamka, Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga waxaa aan u sheegeynaa in  shirkaasi aysan jirin cid mataleysa oo ay soo dirsatay Qowmiyadda Banaadiriga. casuumaaddii qowmiyadda banaadiriga loogu talo galay Jeylaani Nuur Iikar iyo walaakiis Iimaan Nuur Iikar ayaa dano shaqsi ah ku fushaday

"Wax badan ayaa Beesha Banaadiriga lagu dulminayaayey masraxyada siyaasadda dalka, hadeerna waxaa inoo muuqata in kaalintii ay qowmiyadda ku laheyd aayo ka talin masiirkooda gudaha dalka ay shaqsiyaad inta afduubteen dano shaqsiyadeed ku qabsanaayaan, arrinkaas ma aqbaleyno, reer Banaadiri waa ay soo jeedaan, ma yeelayaan in xaqooda iyo xaquuqdooda ay ku tagrifalaan shaqsiyaad qowleysato" Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha BPRC Dr Lutfi Sheriff Mohamed

"Dowlada Soomaaliya iyo Turkiga iyo dhamaan I.C. waxaa aan uga digeynaa in danaha Qowmiyadda Banaadiriga aysan kala tashankalana macaamilaan shaqsiyaad aan qowmiyadda soo wakiilan, tani waxeey keeni karta in shirka uu fashilmo oo aysan ka soo bixi wax bulshada soomaaliyed  aysan raalli kaeheen, sidaas darted waxaa aan codsaneynaa in Dowladda Soomaaliya ay shaqsiyaadkan iyo dadka la midka ah ka joojiso ku daneysiga danaha Qowmiyadda" ayuu hadalkiisa sii raaciyey gudoomiyaha.

Ugu danbeyntii Golaha Isbedel Doonka Siyaasadda ee Banaadiriga waxaa uu u cadeynayaa ummadda Soomaaliyeed in shirk ka furmay Turkiga aan reer Banaadir lagu casuumin, cid u mataleysana aysan ka qeyb galin, sidaas darteedna natiijo kasta eek a soo baxda aysan ogolaaneyn haddii ay qowmiyadda u aragto in xaqeeda lagu duudsiiyey.

 

Wabillaahi Towfiiq

Assalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Xafiiska Warfaafinta BPRC