Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Golaha Isbedel-doonka Siyaasadda ee Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta ,Waxgaradka & Dhaliyaradda Banaadiriga waxay si weeyn u canbaareynayaa sida loogu tagrifalay oo looguna xadgudbay xubnihii qowmiyadda Banaadiriga u matali lahaa shirka wadatashiga ee heerka sare ah ee ka furmay Turkiga, kaas oo uu si shaqsi ah ugu tagrifalay Jeylaani Nuur Iikar.
BAAQ CANBAAREYN AH!
"Shirka Turkiga ka furmay"
Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Assalaamu Caleykum,
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Golaha Isbedel-doonka Siyaasadda ee Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed,
Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta ,Waxgaradka & Dhaliyaradda Banaadiriga
waxay si weeyn u canbaareynayaa sida loogu tagrifalay oo looguna xadgudbay
xubnihii qowmiyadda Banaadiriga u matali lahaa shirka wadatashiga ee heerka
sare ah ee ka furmay Turkiga, kaas oo uu si shaqsi ah ugu tagrifalay Jeylaani
Nuur Iikar.
Jeylaani Nuur Iikar oo muddooyinkan danbe siduu doono ugu tagrifalaayey awooda
Qowmiyada beelaha banaadiriga iyo sedka awood-qeybsiga siyaasadeed ee
Qowmiyadda ayaa shirka ka dhacaya Turkiga ka saaray ergadii ay qowmiyada
Banaadiriga ugu talo gashshay. Waxaana
shirka aaday isaga iyo walaalkiis Iimaan Nuur Iikar oo kaliya, taas oo ah mid
ay si buuxda ugu xadgudbeen uguna takri faleen xaqa iyo xuquuqda reer Banaadir ayagoo wata dano shaqsiyadeed oo ayaga u
gaar ah oo aysan ku mataleynin Qowmiyadda.
Ayadoo ay jirto shirarkii ka
horeeyey shirkaani ay sidaas iyo si lamid ah ugu qeybgaleen shaqsiyaadkani wax natiijo oo banaadir danteeda ahna kama
keenin waxaa taaka siixun in Banaadir lagu qatiyey aqalka sare ee baarlamaanka
ayagoo goob jog ah
Beesha Caalamka, Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga waxaa aan u
sheegeynaa in shirkaasi aysan jirin cid
mataleysa oo ay soo dirsatay Qowmiyadda Banaadiriga. casuumaaddii qowmiyadda banaadiriga
loogu talo galay Jeylaani Nuur Iikar iyo walaakiis Iimaan Nuur Iikar ayaa dano
shaqsi ah ku fushaday
"Wax badan ayaa Beesha Banaadiriga lagu dulminayaayey masraxyada
siyaasadda dalka, hadeerna waxaa inoo muuqata in kaalintii ay qowmiyadda ku
laheyd aayo ka talin masiirkooda gudaha dalka ay shaqsiyaad inta afduubteen
dano shaqsiyadeed ku qabsanaayaan, arrinkaas ma aqbaleyno, reer Banaadiri waa
ay soo jeedaan, ma yeelayaan in xaqooda iyo xaquuqdooda ay ku tagrifalaan
shaqsiyaad qowleysato" Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha BPRC Dr Lutfi Sheriff
Mohamed
"Dowlada Soomaaliya iyo Turkiga iyo dhamaan I.C. waxaa aan uga digeynaa in
danaha Qowmiyadda Banaadiriga aysan kala tashankalana macaamilaan shaqsiyaad
aan qowmiyadda soo wakiilan, tani waxeey keeni karta in shirka uu fashilmo oo
aysan ka soo bixi wax bulshada soomaaliyed aysan raalli kaeheen, sidaas darted waxaa aan
codsaneynaa in Dowladda Soomaaliya ay shaqsiyaadkan iyo dadka la midka ah ka
joojiso ku daneysiga danaha Qowmiyadda" ayuu hadalkiisa sii raaciyey
gudoomiyaha.
Ugu danbeyntii Golaha Isbedel Doonka Siyaasadda ee Banaadiriga waxaa uu u
cadeynayaa ummadda Soomaaliyeed in shirk ka furmay Turkiga aan reer Banaadir
lagu casuumin, cid u mataleysana aysan ka qeyb galin, sidaas darteedna natiijo
kasta eek a soo baxda aysan ogolaaneyn haddii ay qowmiyadda u aragto in xaqeeda
lagu duudsiiyey.
Wabillaahi Towfiiq
Assalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Xafiiska Warfaafinta BPRC
Reer Banaadir oo Shirka Turkey ga ka cabanaayo
Mudaneyaal iyo Marwooyin, Golaha Isbedel-doonka Siyaasadda ee Qowmiyadda Banaadiriga Soomaaliyeed, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta ,Waxgaradka & Dhaliyaradda Banaadiriga waxay si weeyn u canbaareynayaa sida loogu tagrifalay oo looguna xadgu