DANJIRE ILYAAS SHEEKH CUMAR OO SI RASMI AH ULA WAREEGAY QUNSULIYADDA GUUD EE JIDDAH!

0
Saturday May 25, 2019 - 22:04:01 in Local News by Chief Editor
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DANJIRE ILYAAS SHEEKH CUMAR OO SI RASMI AH ULA WAREEGAY QUNSULIYADDA GUUD EE JIDDAH!

    Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Qunsuliyadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar
Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Qunsuliyadda. Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo dhowaan laga soo beddelay Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ayaa xil la wareegiddiisa waxaa ay noqoneysaa tii ugu horreysay ee si rasmi ah ay u agaasinto wasaaradda arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, xilli ay dowladda Soomaaliya tiirarka u adkeyneyso .xarumaha diblomaasiyadda ee ay dalka ku leeyahay Dibadda.
Xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Qunsuliyadda Guud ee Jidah waxaa ka qeyb galay marti heer sare ah oo ay ka mid yihiin Kusimaha Safiirka Soomaaliyeed ee Riyaad Danjire Saalim Macow Xaaji, Safiirka Soomaaliya u fadhiya ururka Iskasshiga Islaamka Danjire Cabdirisaaq Siyaad Cabdi, Qunsul Kuxigeenka Soomaaliya ee Jidah Md Axmed Maxamuud Diiriye (Macruuf), Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliiya Danjire Mustafa Aadan Dagaal iyo Marti Sharaf kale oo isugu jiray diblomaasiyiin iyo dhamaan shaqalaha Qunsuliyada qeebaheeda kala duwan

qunsuliyadda. 



Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa u sameeyay Afur Casho sharaf ah oo ay ka qeyb galeen Marti sharaf iyo shaqaalaha oo qunsuliyadda oo dhan ee ka soo qeyb galay xil warejinta. Afurka iyo casho sharafta oo si heer sare ah loo soo agaasimyay ayaa waxaa ka qeyb galay wafdigii ay dowladda Soomaaliya u dirtay xulwareejinta.

Danjire Ilyaas oo hawl badan ka soo qabtay dib u kicinta Safaaradda Soomaaliiya ee Qaahira ayey Dowladda Soomaaliyeed u geysay sucuudiga si uu wax badan uga hagaajiyo adeegyada dadka Soomaaliyeed ay ka doonayaan qunsuliyadda Soomaaliya ee Sucuudiga maadaama ay dad badan oo Soomaaliyeed ay ku nool yihiin Dalka Boqortooyada Sucuudiga isla markaasna ay ku dhibban helidda adeegyada ay qunsulliyadda u qabato dadkeeda.

Danjire Ilyaas oo ka hadlay xilwareejinta ayaa yiri "Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka soo shaqeysay xilwareejintan iyo masuuliyiinta inagala soo qeyb gashay, waxaan idin ballan qaadeynaa in ay hawlaha ku bilaaban doonaan hanaan waqfaqsan dowladnimada, waxaanna la imaan doonaa isbedel ay dareemaan jaaliyadda ku nool dalka sacuuduga"

Danjire Ilyaas ayaa lagu yaqanaa in uu yahay nin aad hawlkar u ah oo dadaal iyo daacadnimo badan, taas oo uu dowladda Soomaaliya kaga kasbaday in ay u igmato hawshan culus.

Sawirro dheeri ah